Ra’iisal wasaaraha xukuumada soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay qaatay madaxda maamul goboleedyada hoosyimadaada dowladda federaalka.Kulanka ayaa ku saabsanaa arrimaha abaaraha iyo qorshaha gurmadka, waxaana shirkaasi ka qeyb galay Guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.
Waxaa kaloo kulanka goobjoog ka ahaa Guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha. Guddiga gurmadka abaaraha heer qaran ayaa warbixin ka bixiyey xaaladaha abaaraha dalka, islamaraakana sheegay in wali deegaano ka mid ah dalka ay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca noloha, oo ay madaxda guddigu timaameen in loo baahanyahay wax ka qabasho.
Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay isu gurmadaan, si looga maarmo kaalmada laga sugayo dibad, isagoo Ra’iisal wasaaruhu kula taliyay inay shacabku u gurmadaan walaalahooda, si looga boxo dhibaatada abaaraha.
Waxaa kaloo ka hadlay kulanka Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo ku simaha madaxweynaha Galmudug Maxamed Xaashi Carrabey, waxayna bogaadiyeen arrimaha gurmadka ee loo galay abaaraha.