Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka hadlay halka ay mareyso howshii dhismaha maamulka goboladda Sh/dhexe iyo Hiiraan, isagoo sheegay naysan jirin tallaabo kale oo la qaaday marka laga reebo heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho ee maamul u sameynta labada gobol.

Isagoo maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayuu Cali Guudlaawe dadweyne soo dhoweeyay oo boqolaal gaaraya u sheegay inuu dib ugu soo laabtay wadatashiyo uu la sameynayo shacabka gobolka, wuxuuna u xaqiijiyay in wax kasta ay bilow yihiin oo aan weli lagu heshiin arrimaha ay ka midka yihiin:
- Dhismaha Guddiga Farsamada
- Madasha shirka lagu qabanayo
- Halka ay noqoneyso caasimada maamul goboleedka
- iyo arrimaha kale awood qeybsiga
Waxaa cakiran wadahadalkii u socday saxiixayaasha heshiiska maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe oo hakiyay howlahooda xiisada siyaasadeed ka taagan magaalada Muqdisho darteed.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]