Kulan ay shalay xubnaha golaha guurtida ee degmada Warshiikh ku yeesheen xarunta degmadaasi ayay ku eedeeyeen Hay’adda ICRC.
ICRC ayaa lagu eedeeyay iney ku xadgudubtay qodobo ka mid ah xeerka xalinta Khilaafaadka ee Golaha guurtida degmada Warshiikh, kaasi oo si cad u sheegaya in hay’addii lagu helo iney wado howlo dhibaato u keenaya bulshada iyo deegaanada degmada in digniin la siin doono, islamarkaana haddii ay mar labaad ku kacdo laga joojinayo shaqadooda, sida iney keenaan cunto dhacday iyo iney abuuraan khilaaf siyaasadeed.
Golaha guurtidu ee degmada Warshiikh, waxa ay ku eedeeyeen wakiilka ICRC ee gobalka Sh/Dhexe, Nuur Maxamed Cali (Nuur Doob) inuu deegaano ka tirsan degmadaasi uu ka wado olole uu ku doonayo inuu isaga hor keeno dadka shacabka ee wallaalaha ah, kadib markii la eegay sida uu u maareeyay gargaar uu sheegay inuu u keenayo deegaano hoos yimaada degmada Warshiikh, isagoo aan kala tashan maamulka iyo odayaasha degmadda halka ay ku haboon tahay in la geeyo gargaarkaasi ee ay ku sugan yihiin barakacayaasha u dhibaateysan, taasoo ay sheegeen iney keeni karto khalalaase iyo colaad aaney horey dadka degmada Warshiikh uga baran ICRC, waxeyna xuseen in Wakiilka ICRC uu ku xadgudbay qodobka 16-aad, farqadiisa 14-aad ee xeerka xalinta khilaafaadka degmada Warshiikh, qodobadaasi oo si cad u qeexaya xaquuqda ay leeyihiin hay’addaha samafalka iyo xaquuqda lagu leeyahay.
Golaha Guurtida degmada Warshiikh ayaa usoo jeediyeen madaxda hay’adda ICRC, iney jawaab cad ka bixiyaan falalka uu wakiilkooda Gobalka Sh/Dhexe, Nuur Doob uu isaga horkeenayo dadka deegaanada degamadaasi, islamarkaana uu ku abuurayo colaad iyo xasilooni daro aan ka jirin guud ahaan degmada Warshiikh, sida ay saxaafadda u sheegeen, Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Degmada Warshiikh, Muude Cumar Maxamed iyo Maxamed Xuseen Maxamuud (Qaloori) oo ka tirsan guddiga fulinta ee Golahaasi oo sharaxaad ka bixinayay go’aanka golaha guurtida.
Dhinaca kalena, Guddoomiyaha Degmadda Warshiikh, Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) ayaa sheegay inuu ayidsan yahay go’aanka golaha guurtida, isagoo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta degmadaasi “Gurmadka gar-gaar ee ICRC aad ayaanu ugu baahi qabnaa, balse Wakiilkooda Gobalkan, Nuur Maxamed Cali (Nuur Doob) waxa uu ka weecday hadafka ICRC ee aheyd dhexdhexaadnimo, wuxuuna dhegaha ka fureystay go’aankii ay u soo jeediyeen golaha guurtida iyo maamulka degmada, isagoo ku adkeysanaya go’aankiisa ah in sida uu doono uu ka yeelayo gargaarka ICRC, sidoo kalena uu ku hanjabay inuu gargaarkaasi u weecin doono degmooyin kale haddii tiisa laga horyimaado ” ayuu yiri Guddoomiyaha Warshiikh, Axmed Xuseen Shiidka.
“Sidoo kalena, waxa uu wakiilka ICRC u barareeray inuu iska horkeeno dadka shacabka ee degmada iyo maamulkooda, isagoo u sheegaya in gargaarkii uu soo gaarsiin lahaa uu maamulkoodu is hortaag ku sameynayo, taasoo aan aheyn mid looga bartay hay’adda ICRC, balse uu Nuur Doob ku qarinayo ujeedooyinkiisa siyaasadeed ee guracan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha Warshiikh.
Ugu dambeyntiina, Wuxuu Guddoomiyaha Degmadda Warshiikh, Axmed Xuseen Shiidka uu ka codsaday Madaxda ICRC ee fadhigoodu yahay Muqdisho-Nairobi-Geneva iney degmada Warshiikh usoo dirsadaan wafdi xaqiiqo raadis ah oo arrintan faragelin ku sameeya, islamarkaana indhahooda ku arka waxyaabaha uu ku kacayo wakilkooda Gobalka Sh/Dhexe, Nuur Maxamed Cali (Nuur Doob).