Sunday, July 6, 2025

Guddoomiyaha & ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland oo dagaal gacan-ka-hadal ah ku dhex maray fadhigii maanta

Baarlamaanka Somaliland ayaa fadhigii golaha wakiilada ee maanta waxaa ka dhacay dagaal iyo gacan kahadal xoog leh oo aan hore loo arag kadib markii guddoonkii Golaha ay gacanta isula tageen.

somall

Gacan ka hadal feer ayay is weydaarsadeen Gudoomiyaha Aqalka wakiilada Somaliland C/raxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro iyo gudoomiye ku-xigeenkiisa koowaad Baashe Maxamed Faarax taasoo xaaladda ka dhigtay mid aad u kacsan.

Gacan-ka-hadalka ayaa ka dhashay markii 33 mudane oo taageersan in Haamaha shidaalka ee Berbera uu madaxweynuhu ku wareejin karo shirikado gaar ah ayna keeneen mooshin ay ku taageerayaan go’aanka madaxweyne Siilaanyo.

Qorshahan oo xukuumaddu soo maleegtay ayaa la filayay in Golaha wakiilada ka doodo isla markaana ansixiyo si loo laalo  go’aankii todobaadkii hore ee ahaa in Haamaha Shidaalka ee Berbera aan la wareejin karin. Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cirro ayaa sheegay inaan mooshinkan Haamaha kalfadhigan la hor keeni karin sida xeer hoosaadku qorayo maadaama isla kalfadhigan lagu laalay.

Arrintaas waxaa ka hor yimid gudoomiye xigeenka kowaad ee golaha wakiiladu wuxuuna ku dhawaaqay in cod loo qaado mooshinka, kadibna awoodii hogaaminta golaha ay isku qabsadeen labada mas’uul oo arrinku ka gaaray inay is qabsadaan oo feer iskala daalaan, waxaa markii danbe soo dhex galay xildhibaanada waxayna xaaladu ahayd mid aad u cakiran.

Goobjoge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON