Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha Degmada Warsheekh oo dhaawacay Xubin ka mida Golaha Degaankiisa..

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Guddoomiyaha dhowaan la doortay degmadaasi uu dhaawac u geystay mid ka mida Golaha degaanka Degmada War-sheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Guddoomiyaha Warsheekh oo ahaa kii ugu horeeyay ee doorasho ku yimaada Mudane Xassan Xaaji Axmed Darafeey ayaa xabad kaga fakatay Xildhibaan ka tirsan Golaha degbaanka Warsheekh oo magaciisa lagu so koobay Makaraan, iyadoo xilligaasi ay socotay tababat dhinaca toogashada ah oo xubnaha Golaha degaanka lagu barayo adeegsida Bistooladda iyo shiishka.

Dhaawaca Makaraan ayaa la sheegay inuu yahay mid culus, waxaana loola cararay Isbitaalka Keysaneey ee Magaalada Muqdisho halkaas oo lagula tacaalayo.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Warsheekh ayaa Bishii August ay soo doorteen Gole degaan oo Degmada Warsheekh loo dhisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON