Tuesday, July 15, 2025

Guddoomiyaha Maxkamadda G/Banaadir oo lagu dhaawacay weerarkii Hotel Ambassador

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan khasaaraha weerarkii galabta lagu qaaday Hotelka weyn ee Ambassador magaalada Muqdisho, kaasoo qarax is miidaamin ah iyo weerar ay ku qaadeen kooxda Alshabaab.

Dableyda weerarka ku qaaday hotelka oo weli ku jirta iyadoo la tacaalayaan ciidamada amniga ayaa waxaa laga soo badbaadiyay hotelka mas’uuliyiin kala duwan oo qaarkood ku dhaawacmay qaraxa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa dadka laga soo badbaadiyay isagoo dhaawac ka soo gaaray lugta dhaawaca oo la sheegay inuu yahay mid fudud.

NISA ayaa sheegtay  in dadka la badbaadiyay ay ka mid yihiin dad dhaawac ahaa oo ku jiray isbitaalka Daaru shifa oo aad ugu dhow Hotelka.

Sidoo kale waxaa la soo badbaadiyay tiro mas’uuliyiin ah oo uu ka mid yahay xildhibaan, sida uu xaqiijiyay wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON