Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ceydiid C/llahi Ilkaxanaf ayaa sheegay inuusan waxba kala socon xil ka qaadis maanta lagu sameeyay isagoo sheegay inuu xilka Maxkamadda sare sidii hore u hayo.
Ceydiid ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo wareegtada xilka looga qaaday ee kasoo baxday xafiiska madaxweynaha iyadoo mas,uul cusub xilkaasi loo dhaariyay.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa ku adkeysanaya inuu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee maxkamadda sare ee Soomaaliya oo aanay jirin wax iska bedelay.
Goobjooge.com