Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay kaaliyeyaal Garsoore oo gaaraya 9 xubnood, kuwasoo ka hawlgala Maxkamadaha Darajooyinka koowaad iyo labaad.
Shaqo joojinta Kaaliyeyaasha ayaa sabab looga dhigay markii ay badatay cabashooyinka ay ka soo gudbiyeen dadweynaha u soo doonta adeegfa cadaaladda oo loogu shaqeyn waayey sida sharcigu qabo, waxaana Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu ku qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamada Rafcaanka Gobolka Banaadir Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi.
Wareegtada Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa lagu yiri:
- Markaan arkay cabashada joogtada ah ee ka taagan Kaaliyeyaashan
- Markaan arkay, kuna qancay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir
- Markaan arkay kuna qancay in danta cadaaladda ay ku jirto in shaqada laga joojiyo kaaliyeyaashan.
- Laga bilaabo maanta waxaa shaqadii ka joojiyay kaaliyeyaashan inta laga sameynayo baaritaan dhammeystiran
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka ayaa faray Maxkamadaha Racfaanka Gobolka iyo degmooyinka Gobolka Banaadir iney amarkaan siduu yahay u fuliyaan.
Shaqo ka joojinta, xil ka qaadista iyo magacaabista ayaa wada saameystay hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.