Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu hanjabay Garsoorayaasha Maxkamadaha inay xilalkooda weyn doonaan, haddii lagu wax is daba marin.
Iasgoo ka hadlayey munaasabad lagu daaah furay nidaam cusub o loo qaadayo Dacwadaha oo ay ku shaqeynayaan maxkamadaha dalka ayuu ka sheegay in shaqada laga ceyrin doono garsoore walbo iyo cid walbo oo ka shaqeysa Maxkamadaha dalka, laguna helo arrimo la xiriira musuqmaasuq.
Guddoomiyaha oo dhowaan xilka la wareegay ayaa u sheegay garsoorayasha in Garsoorka aanu ahayn meel dhaqaale badan laga helo balse ay tahay meel loogu cadaalad falo dadka is heysta, laakiin ciddii ooneysa iney dhaqaalo ka hesho garsoorka ay ku haboon tahay inay raadsato shaqooyin, ayna isaga tagto shaqada Garsoorka.
DHAGEYSO