Saturday, May 28, 2022

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo War kasoo saaray Weerarkii Alshabaab ee Saldhigga Ceelbaraf

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkiiAl Shabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo lasheegay in askar badan oo ka socota dalka Burundi lagu dilay.

Gudoomiyaha Midowga Afrika waxa uu tacsi tiiraanyo leh dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, isagoo uga tacsiyadeeyay Askartii ku geeriyootay weerarka oo aanu tiradeeda sheegin, wuxuunu caafimaad degdega u rajaynayaa kuwii ku dhaawacmay weerarkaas.

Moussa Faki wuxuu qoraal uu soo saaray ku adkeystay in weerarkan aanu hoos u dhigi doonin go’aannada ciidamada ATMIS-ka, isagoo caddeeyay in Midowga Afrika ay si joogto ah uga go’an tahay inay taageeraan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed si ay u gaaraan nabad iyo ammaan waarta.

Ad

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo ugu baaqayaa beesha caalamka inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan hay’adaha amniga Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS-ka oo u dhigma caqabadaha amni ee horyaalla.

Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarkii Ceelbaraf ku dishay 173 askari oo Burundi u dhashay, qaar kalena ay maxaabiis ahaan u qabsatay, waxayna faafisay sawirrada Saldhigga Ceelbaraf ee ay qabsatay iyo meydadka tobanaan ciidamo ah.

Image

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!