Friday, July 18, 2025

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maamulka Jubbaland oo mar kale lagu xiray Garoonka Muqdisho

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland, ahna  xoghayaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa mar kale lagu xayiray Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Xayiraadda Shaafi ayaa ka danbeysay markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isagoo ka yimid shir ganacsi oo ka dhacay dalka Turkiga, iyadoo laga qaaday baasaboor uu watay in muddo ahna la xayiray.

Waa markii labaad ee Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga lagu xayiro Garoonka magaalada Muqdisho, waxayna arrintan oo kale ku dhacday aakhirkii bishii July ee isla sanadkan, iyadoo markaas arrintiisa la xaliyey.

Baasaboorka diblomaasiga ah ee uu wato Shaafi Raabi Kaahin ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee ku qabsata garoonka Muqdisho, iyadoo baasaboorkaasi ay dowladda ku soo rogtay in la xakameeyo oo laga qaado dadka sida khaladka ah hore loogu siiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON