Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo Magaalada Muqdisho lagu soo dhoweeyay

Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta Qaaradda Afrika Maxamed Axmed ayaa goor dhoweyd soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Axmed Maxamed oo dhowaan loo doortay xilka waa mas’uulkii ugu horeeyay ee CAF madax ka aha oo yimaada Soomaaliya, wuxuuna u dhashay dalka Madagascar.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee  Aadan Cadde kusoo dhoweeyay wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, madax ka tirsan dowladda fedeaalka, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab iyo xubno kale.

Guddoomiyaha CAF ayaa la kulmi doona madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa xiriirka kuabdda cagta ee dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON