Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo dabley hubeysan ay ku dishay magaalada Muqdisho.
“Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo Kan Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (JDP) waxaan halkaan Tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Qoyska iyo Eheladii uu ka geeriyooday Marxuum Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre. Waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka tirsanaa, iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka.. Allaha SW ha u naxariisto Jannatul Ferdowsa Allah haka waraabiyo ,Ehel , asaxaab iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeedna Sabar iyo Iimaan Allah haka Siiyo .
Aamiin Amiin Aamiin..” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.