Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka JDP Xasan Maxamed Xusen (Muungaab) ayaa soo dhoweeyay Go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu uga hor yimid kala diristii Guddiga Maaliyadda.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay inuu soo dhoweynayo go’aanka taariikhiga ah ee Guddoomiyaha Baarlamaanka uga hor yimid kala dirirstii Guddiga Maaliyadda, isagoo sheegay inuu sharci darro ahaa.
“Wuxuu ahaa go’aan loo baahnaa si meesha loog saaro in guddoonka Golaha shacabka isu bedelo mid ka horyimaada shaqadii Iyo waajibaadkii Guddiyada Baarlamaanka” ayuu yiri Xasan Muungaab oo soo jeediyey: in guddoonka Golaha Shacabka iyo xildhibaannada ay adkeeyaan midnimada dhexdooda ah iyo sarraynta Sharciga , iskana ilaaliyaan Khilaaf keeni kara in Shaqadii Baarlamaanka ay hakato.
Guddoomiyaha Xisbiga Horumarka iyo Cadaaladda ayaa u soo jeediyay Madaxweynaha J.F. iyo R/wasaaraha X.F. inay ka waantoobaan faragelinta joogtada ah ee ay ku hayaan Baarlamaanka