Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiye cusub oo loo doortay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa guddoomiye cusub loogu dooray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

Tartanka xilka guddoomiyaha waxaa ku guuleystay Maxamuud C/kariin Gabeyre oo hore xilka u soo hayay, waxaana la tartamayay labada musharax.

Ergada codeysay ayaa wakiil ka ahaa maamulada dalka, waxaana 63 ergo oo codkooda dhiibtay ay 40 ka mida dib u doorteen Maxamuud C/kariin Cali Gabeyre oo helay 40 cod.

Bashiir Maxmuud Cilmi oo tartanka ku jiray ayaa isna helay 8 cod, halka Ibraahim Abuukar Shaamow uu isna helay 6 cod, waxaan sidaasi ku soo laabtay guddoomiyihii hore ee Rugta Ganacsiga.

Maxamuud C/kariin Gabeyre

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa muddooynkii danbe lagu dhaliilay doorasho la’aan in muddo ah ay xilka sii hayeen maamulkii hore.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON