Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, waxaana xilkaasi loo magacaabay Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
Magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Gobolka Banaadir ayaa imaaneysa xilli kala guur ah, iyadoo hore ay u jireen eedo badan oo garsoorka Gobolka Banaadir loo jeediyo.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda rafcaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Dhulalka ee Gobolka Banaadir. Dad badan ayaa rajo ka qaba in guddoomiyaha cusub uu wax weyn ka bedeli doona xaaladda garsoorka magaalada Muqdisho oo musuq iyo magac xumo ay hareeyeen.
Goobjooge.com