Guddoomiye Gobol oo u hadlay dowladda Soomaaliya & Wadahadal dhex maray Madaxweynaayaasha Somalia iyo Kenya

0

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa ugu danbeyn u halday dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay hakisay dhismaha Derbigii Kenya ka waday degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed ayaa shaaciyey in wadahadal dhexmaray dowladda Somaliya iyo dowladda Kenya ayaa sabab u noqotay in dhismaha darbiga Kenya ay hakiso, isla markaana ay labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Kenya taleefoonka ku wada hadleen, iyadoo la isku afgartay in shir arrintaan looga hadlaayo labada dowladood ay isaga imaanayaan.

“Waxaan xaqiijineynaa in shirka la isugu imaan doono 27-ka bisha, ka horna la joojiyay dhismihii darbiga. Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandera.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah kasoo saarin xaaladda ka taagan degmada Beledxaawo, iyadoo dad badan iyo xildhibaanno ay dalbadeen inay dowladda Mowqif cad ka yeelato arrintan.