Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa baaq kulul u diray xildhibaanada diidan wadahadalka Mooshinka ee furmay, wuxuuna ugu yeeray inay kasoo qeyb galaan kulanka labaad ee wadahadalka oo maanta ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa.
Guddoomiye Jawaari wuxuu sheegay inay jirto xildhibaano badan oo ka baxay mooshinka, qaar kalena ay weli ku dhegan yihiin, wuxuuna xusuusiyay in tixgelin la siiyo xaalada la marayo iyo howlaha badan ee horyaala Baarlamaanka.
Qaar ka mida xildhibaanada Mooshinka keenay ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu doonayo liis uu ka qorto xildhibaanada oo markaasi uu ku howlgalo. Xildhibaan C/llaaho Goodax Barre ayaa sheegay inaysan ka qeyb galeynin shirka uu wado Guddoomiyaha Baarlamaanka.
DHAGEYSO BAAQA JAWAARI
GOOBJOOGE.COM