Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiye Jawaari oo dalbaday in degdeg loo sii daayo weriyeyaasha Telefishanka Universal

Qoraal maanta ka soo baxay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa lagu codsaday in si degdeg ah loo sii daayo Agaasimaha Xafiiska Universal ee magaalada Muqdisho C/llaahi Kulmiye iyo Weriye Cawil Daahir Salaad.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PROF. MAXAMED SHEEKH CUSMAAN
GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA PROF. MAXAMED SHEEKH CUSMAAN

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo qoraalka ka soo baxay uu saxaafadda u akhriyay Cumar Aadan Qaadi oo ka mida la-taliyeyaasha Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in weriyeyaasha xarigooda uu guddoonku kala hadlay xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, kana aqbalay codsiga sii deynta weriyeyaasha.

Dhinca kale qoraalka Guddoomiye Jawaari ayaa lagu sheegay in xildhibaanada kiiskan ku lugta leh arrintooda loo gudbinayo guddiga anshaxa Baarlamaanka oo eegi doona wixii khaladaad ah ee ay sharafta qaranimada iyo dowladnimada dalka ka galeen.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON