Monday, July 7, 2025

Guddoomiye Jawaari oo digniin kulul u diray Wasiirada xildhibaanada ah

Gudooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa canaan kulul u jeediyay Wasiirada Xildhibaanada ah ee ku jira Golaha Baarlamaanka, kuwaasoo caadiyan ka maqnaada kulamada baaralmaanka, taasoo keentay in Baarlamaanku awoodi waayo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah oo looga baahan yahay in ka badan 180 xildhibaan.

Gudoomiye Jawaari ayaa u baaq u diray Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna kala hadlay Wasiirada Xildhibaanada ah ee aan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka inuu cadaadis saaro, isagoo ku goodiyay si gaar ah loola Xisaabtami doono.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku jira xilligiisii ugu dambeeyay ka hor doorashada 2016 ayaa maalmahan wada ansixinta sharciyo muddo dheer laga sugayay, wuxuuna shalay ansixiyay sharciga dhismaha Maxmadda Dastuuriga ah, waxaase caqabad ku noqday inay fadhiyada Baarlamaanka soo xaadirin wax ka badan 150 xildhibaan, taasoo meesha ka saartay inuu baarlamaanku wax ka bedel ku sameyn karo qodobo Dastuurka ku jira oo u baahan wax ka bedel.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON