Monday, July 14, 2025

Guddoomiye Jawaari oo ku dhawaaqay in la qabanayo shirkii Mooshinka Madaxweynaha & Xildhibaano kala qeybsamay

Guddoomiyaha barlamaanka  Federaalka Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa  sheegay in maalinta berito ah ee 7-da Oktoobar uu furmi doono wadaxajood lagu xalinayo qodabadii ku xusnaa Mooshinkii xubno ka tirsan baarlamaanka ay ka keeneen Madaxwayne  Xasan Sheekh Maxamuud 12-ka August ee sanadkan, kaasoo weji wadahadal u gudbay.

Gud-Jawaari
Guddoomiyaha barlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari)

Prof. Jawaari ayaa  sheegay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah isla markaana looga bahan yahay Xildhibaanadii keenay mooshinkaasi inay ka soo qayb galaan, si looga xaajoodo arrimaha mooshinka iyo qodobada ku xusan.

“Waxaan  guud ahaan  Ummadda Soomaaliyeed la wadaagayaa in maalinta beri ah oo ay tariiqdu ku began tahay 7 bisha Oktoobar  uu magalaada Muqdisho ka furmi doono shirka lagu dhamaynayo, isla markaana looga wada hadlayo  qobadadii ku xusnaa mooshinkii Madaxwayanaha ay ka keeneen xubno ka tirsan  golaha shacabak Soomaaliyeed, waxaan  ugu baaqayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ee keenay mooshinka inay kasoo qayb galaan shirka oo furmi doona 11:00 barqonimo  xilliga magaaladda Muqdisho”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Dhinaca kale Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magalaada Muqdisho  kulan gaar ah oo saacado qaatay kula yeeshay ergeyga Dowladda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. David, iyadoo ay uga wada hadleen   adkaynta xariirka soo jireenka ah ee  ka dhexeeya labada dal iyo xaalada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xubnaha hormuudka u ah Mooshinkii la laalay ee laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u diiday inay ka qeyb galaan kulanak wada-xaajoodka ee Jawaari ku baaqay, waxayna ku eedeeyay go’aankii uu Mooshinka ku soo afjaray, laakin warar xogogaal ah ayaa sheegaya in qaar badan oo ka mida  xildhibaanadaasi ay guddoomiyaha ku wargeliyeen inay diyaar u yihiin ka qeybgalka wadahadalka, tani oo keentay inuu guddoomiyaha Baarlamaanka ku adkeysto qabashada wadahadalka Mooshinka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON