Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah uu bilaaban doono wadahadalka ku saabsan arrimaha mooshinkii 12-ka August ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka soo gudbiyeen.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in maanta ku beegan tahay 10-ka October 2015, saacadda 11:00-ka Barqanimo uu si rasmi ah u bilaaban doono wadahadallada arrimaha ku xusnaa Mooshinkii laga keenay Madaxweynaha.
“Waxaan ku wargelinayaa dhammaan Xildhibaannada saxiixayaasha Mooshinkii 12-ka August 2015 loo soo gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka inay kasoo qaybgalaan wadahadalka oo ka bilaaban doona Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa 11:00ka Barqanimo” ayuu qoraalkiisa ku yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jawaari.
Qaar ka mida xildhibaanada saxiixay ayaa hore u qaadacay wadahadalka balse waxaa jira xildhibaano ka mida saxiixayaasha Mooshinka oo wadahadalka diyaar u ah, waxaana la filayaa inuu saaka Muqdisho soo gaaro Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo shirkii hore la sheegay in loo hakiyay maqnaanshihiisa.
Goobjooge.com

Goobjooge Online provides the latest Somali News, Breaking News, Analysis, Views and In-depth coverage of Somalia and around world.
Contact us: [email protected]
© Copyright - Goobjooge.net