Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo dhowaan xilka ka qaaday Axmed Madoobe shalayna tegay degmada Ceelwaaq ayaa ku dhawaaqay maamul u sameeyay degmada Baardheere.
Maxamed Cabdi Kaliil oo uu wehlinayo Jen. Cali Madoobe ayaa Ceelwaaq ka sheegay inuu magacaabidda maamulka cusub ee Ceelwaaq uu lka-tashi kala soo sameeyay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddomiye Maxamed Cabdi Kaliil maamulka cusub ee uu magacaabay waxay kala yihiin:
- Gudoomiyaha degmada Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qodax.
- Guddoomiye xigeen Cadow Nuur Xasan
- Madaxa Maaliyadda Raage Axmed Maxamed
- Madaxa arrimaha bulshada Maxamed Ibraahim Faradheere
- Taliyaha Booliska Baardheere Xuseen Muxamed Caato
- Madaxa Mashaariicda iyo hay’adaha Xuseen Cabdulle Magan
- Taliyaha Nabadsugidda Baardheere Yaasiin Barre Xasan
- Taliye xigeenka Nabad sugidda C/laahi Maxamed Warsame
C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo hadda ah ku sime madaxweynaha Jubba ayaa isna maamul u magacaabay degmada Baardheere iyadoo ay wehliyaan saraakiil Itoobiyaan ah.
Labada maamul ee is barbar socda iyo dhaqdhaqaaqa cusub ee Maxamed Cabdi Kaliil ka wado Gobolka ayaa caddeyn kale u ah loolanka ka taagan Gobolka Gedo, iyadoo dowladda Federaalka doorkeedu u yahay mid aan muuqaan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]