Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Gen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa cambaareyay weerarkii shalay Kooxda Al-shabaab ka fuliyeen Magaalada Muqdisho, isagoo tacsi u diray ehelada dadkii ku geeriyooday.
Muungaab ayaa Madaxda dowladda Federaalka ka dalbaday inay ka jawaabaan sababta ay qaraxyadau ga dhacayaan gudaha magaalada, iyadoo caasimadda laga dhigay xabsi kor ka furan oo dadkii laga xiray wadooyinka, wuxuuna caddeeyy inay fashilmeen qorsheyaashii sugidda Aminga Caasimadda Muqdisho.
“Waxaa Xaqiiqo ah in Amnigii Caasimadda Muqdisho uu faraha ka baxay, ayna shaqeyn waayeen qorshayaasha dowladda hadda jirta ee kaliya Magaalada ka dhigay Xabsi kor ka furan, nolosha Shacabkana ciriiriga gelisay, balse wax ka ka qaban weeyday sugidda Amniga Muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri Jen. Muungaab oo dhinaca kale sheegay inuusan jirin Isla Xisaabtan dhab ah oo ku wajahan Hay’adaha Aminga ee Dowladda.
“Ma muuqato wax Horumar ah oo Hay’adaha Amniga Xukuumadda ka gaareen Sugidda Amniga, Sidoo kale Ma aragno isla xisaabtan dhab ah oo ku wajahan Hay’adaha Dowladda dhexdooda, taas bedelkeedana waxaa Darajo iyo Abaal marin lagu bixinayaa Fashilka lagu dhex jiro” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka oo su’aal ka keenay in Madaxda Dowladda looga fadhiyo inay shacabka u caddeeyaan sida ay ku dhacayaan Weerarada joogtada ah iyadoo Jidadkii ay xiran yihiin.
Wuxuu sheegay in Madaxda Ddowladda Soomaaliya ay ka xishoodeen inay tacsi u diraan Dadka argagixisadu maalin kasta ku leyso Hortooda, Isla markaana Mas’uuliyiinta Amniga u xil saaran laga doonayo caddeyn ah sida ay ku dhacaany Qaraxya weli sii socda, Halka ay soo maraan, Cidda fududeysa iyo sababta keentay isla xisaabtan la’aanta joogtada noqotay,.