Sunday, September 14, 2025

Guddoomiye Taabit oo haweenkii ugu badnaa ku soo daray Maamulka G/Banaadir [Akhri sababta]

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa maanta soo magaacabay guddoomiye ku xigeenada iyo xoghayaha Gobolka Banaadir.

Magacaabidda oo madaxweyne Farmaajo ku saxiixan yahay ayaa la sheegay inuu Guddoomiye Taabit isagu qortay ku xigeenadiisa, isagoo markii ugu horeysay haween ku soo daray maamulka sare ee Gobolka Banaadir isagoo guddoomiye ku xigeenka labaad iyo xoghayaha guud u soo xulay laba haween.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Maamulka iyo Maaliyadda waxaa lo magacaabay Muluuka Dheere Sheekh C/qaadir; halka xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir loo magacaabay Subeyda Maxamed Mukhtaar.

Arrintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay ee haweenku xilal muhiim ah ka qabtaan gobolka Banaadir, isla markaana tiro intan la eg ay ku yeeshaan, waxayna qeyb ka  tahay ololaha beesha caalamka iyo saaxiibada madaxweyne Farmaajo ku doonayaan inay haweenka ka dhex muuqdaan siyaasadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON