Friday, June 27, 2025

Guddoomiye Waaxeed toogasho lagu dilay caawa Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay caawa toogasho ku dishay guddoomiye waaxeed.

Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa ayaa caawa salaadii Maqrib kadib ku dishay Degmada Yaaqshiid Guddoomiye waaxeed ka oran jiray Xasan Maxamuud Taakow oo ku magac dheeraa Macalin Shabeelow.

Marxuunka ahaa ahaa guddoomiye waaxeedka Heegan Ee Degmada Yaaqshiid. Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay inay baxsadeen kadib markii  ay rasaas dhowr ah ku fureen marxuumka oo isla goobta ku geeriyooday.

Dilalka khaarijinta ah ayaa si weyn u sii kordhay magaalada Muqdisho tan iyo intii uu xilka la wareegay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON