Guddoomiyeyaasha Gobollada Sh/hoose iyo Bakool C/qaadir Nuur Siidii iyo Maxamed Cabdi Tool oo kamida guddoomiyeyaasha ugu waqtiga dheer goboladda dalka ee xilka soo hayay ilaa dowladii C/llaahi Yuusuf, isla markaana gacan saar la leh saraakiisha Itoobiyaanka ee Soomaaliya ka howlgala ayaa ku fashilmay tijaabadii ugu danbeysay ee xilalkooda kadib markii ay ka aamuuseen falal lagu laayay shacab rayid ah oo degaanadooda ka dhacay.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose C/qaadir Siidii oo ku caan baxay war-saxaafadeedyada iyo wararka uu siiyo warbaahinta ayaa la waayay muddo ka badna bil markii ay bilowdeen falalka ciidamada AMISOM ku laayeen dadka rayidka ah ee Gobolka Sh/hoose, gaaraan ahaan dilalkii ka dhacay magaalada Marka, wuxuuna door biday inuu aamuso oo afkiisa xirto, intii uu u doodi lahaa dadka shacabka ah ee mas’uuliyadoo uu sheegto.
Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool ayaa gebi ahaanba inkiray dil ay ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka geysteen gobolkiisa mar uu dagaal dhex maray kooxda Alshabaab iyo ciidamo Itoobiyaan ah. wuxuuna ku adkeystay in dadka la dilay ay ahaayeen Alshabaab, isagoo mar kalena dafiray in wax dhibaato ah soo gaartay shacabka magaalada Xudur.
Guddomiyaha Bakool wuxuu soo dhoweeyay ciidamada Liyu Boolis ee degaanka Soomaalida Itoobiya oo howgallo ka sameeyay gobolka Bakool, iyadoo ciidamadaasi ay sharci darro tahay inay u soo gudbaan gudaha Soomaaliya, horeba ay dhibaatooyin uga geysteen gobolo kala duwan sida Hiiraan iyo Galgaduud.
Mas’uuliyiinta Soomaalida ayaa lagu tilmaamaa inay aad ugu yar tahay wadaninimada oo xitaa aanay awoodin inay codkooda ku taageeraan dadkooda. Golaha wasiirada ayaa warkii ugu fiicnaa ka soo saaray dhibatooyinka AMISOM ka geysteen Marka iyo Xudur, hadalkaas oo ku koobnaa in baaritaan lagu sameeyo oo qura. Madaxweynaha dalka iyo Baarlamaanka ayaa ka mida qeybaha ka gaabsaday tacadiyadaas weyn ee ka dhacay Sh/hoose iyo Bakool.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]