Wednesday, June 25, 2025

Guddoomiyihii Degaanadii Janaale ee gobolka Sh/hoose oo la dilay

Dabley Hubeeysan ayaa Xalay Degaanka Janaale oo hoostaga Degmada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose ku dilay  Guddoomiyihii Degaanka Janaale Garaad Ibraahim Sayid Cali.

janaale

Guddoomiyaha ayaa la sheegay  in dabley Hubeysan ay  kala baxeen  Gurigiisa islamarkaana  kadibna ay dileen, markii ay rasaas is daba joog ah ku fureen oo ay goobta ka baxsadeen.

Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabeellaha C/fitaax Xaaji  Cabdlle ayaa sheegay in dilka Guddoomiyihii Janaale  xalay lagala baxay  hoygiisa iyagoo dadkii dilay ay baxsadeen. Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshbaab, wuxuuna intaas ku daray in magacaabiddiisa aanay ka war heynin maamulka gobolka.

Garaad Ibraahim Sayid Cali ayaa ahaa mas’uul dhowaan uun uu soo magacaabay Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON