Guddoomiyihii Degmada Bulaburde ee Gobolka Hiiraan C/casiis Duurow iyo Duqa Degmadaasi xabsiga loo taxaabay sida uu shaaca ka qaaday xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo sheegay inay lagu helay lunsasho Deeq raashin gargaar oo loogu talo galay dadka degmada Buulaburde,.
Caawa maqribnimadii ayaa xabsiga loo taxaabay labadaasi mas’uul iyo dad ganacsato ah oo la sheegay inay kiiska kula jiraan sida lagu shaaciyay shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho ay ku qabteen xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka iyo ku xigeenkisa Axmed Nuur Cali Daahir iyo Axmed Cali Abuukar.
Muddo badan ayaa dadka degmada Buuloburde cabasho ka soo yeereysay iyagoo ka cabanayay gargaar ay filayaan oo laga leexsaday, waxaana mararka qaarkood ay banaanbax ka sameeyeen degmadaasi oo la ogyahay inay go’doonsan tahay oo aanay si caadi ah loo gaarsiin karin badeecooyinka.
Goobjooge.com
Muqdisho