Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madooba ayaa xilkii Guddoomiyanimo ee Gobolka Gedo ka xayuubiyay Axmed Buulle Maxamed (Canjeex).
Sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo hadda ku sugan Degmada Doolow, waxaan xilkaasi laga qaaday AXmed Buulle iyadoo loo magacaabay mas’uul kale oo aanu sheegin xiliga arrintaasi dhacday.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in muddo 45 casho ah ay doonayaan inay isbeddel iyo dib u habeyn ku sameynayaan maamulka Gobolka Gedo iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland ee Gedo, isagoo beeniyay eedeyn ka timid guddoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday oo ku eedeeyay madaxda maamulka Jubba inay iibsadeen deeq mucaawino ah oo loogu talogalay Gobolka Gedo.
Canjeex wuxuu beeniyay inuusan la socon xil laga qaaday, isla markaana uu weli yahay guddoomiyaha maamulka Gedo. Canjeex ayaa waxaa hore xilka ugu magacabay Axmed Madoobe, waxaana Bishii Ogost ee 2015 lagu caleemo saaray xaflad ka dhacday degmada Doolow.
Axmed Madoobe ayaa xilligaasi dagaal siyaasadeed kula jiray gudoomiyihii mucaaradka ku ahaa ee Axmed Cabdi Kaliil oo hadda noqday wasiir ka tirsan maamulka Jubba.
Goobjooge.com