Wednesday, July 16, 2025

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Jawaari oo Xilka Wareejiyey, kana hadlay Dastuurka la sheegay in la xaday

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Guddoomiyihii hore Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka guuri doonta xarunta Guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa xil wareejinta ka hadlay isagoo sheegay inuusan jirin Dastuur la xaday, wuxuuna ku Nuqulka Dastuurka KMG ah ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa April 30, 2018  dooray guddoomiyaha cusub ee maanta xilka la wareegay Maxamed Mursal Sheekh, wuxuuna si rasmi ah shaqadiisa uga bilaabi doonaa Villa Hargeysa.

Dhinaca kale ma jirin wax dhaarin ah oo loo sameeyay, maadaama uu guddoomiyuhu yahay afhayeen, isla markaana hore loogu dhaariyay xildhibaannimada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON