Waxaa Magalada Muqdisho ku geeriyooday xalay Allaha u naxariistee guddoomiyihii Guddiga Shaqalaha Rayidka ee dowladda Soomaaliya Marxuum Cali Maxamuud Ibraahim (Cali Dheere).
Marxuum Cali Dheere ayaa muddo dheer kasoo shaqeynayay shaqaalaha rayidka ayaa ku xanuunsanaa magaalada Muqdisho. Waxaa tacsi u diray mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.
Mas’uuliyiinta tacsiga diray waxaa ka mida madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirada kala ah:
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Goobjooge.com