Wednesday, June 25, 2025

Guddoonka Baarlamaanka oo heshiis qarsoodi ah ka gaaray Mooshinka (Xog)

Saddexda mas’uul ee guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa heshiis qarsoodi ah wada gaaray kadib markii laba kulan oo Baarlamaanku lahaa ay furmi waayeen khilaaf ka taagan mooshin laga keenay xukuumadda Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed oo xildhibaanadu ku kala qeybsameen.

Kulamo is daba joog ah oo ay lahaayeen Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cabdalla  Cawad   ayay saddexdooda isku afgarteen inay mar hore mowqif mideysan ka qaataan mooshinka kala qeybiyay Baarlamaanka, iyagoo markii hore dhexdooda kala qeybsanaa, waxayna isku afgarteen inay midoobaan dhexdooda.

Waxay kaloo guddoonka ku heshiiyeen inay meel iska dhigaan mooshinka khilaafka keenay ee kala qeybiyay Baarlamanka, ayna raadiyaan  xildhibaanada labad dhinac oo ay kala hadlaan sidii meesha looga saari lahaa haliska dhex timid Baarlamaanka, looguna noqon lahaa shaqadii caadiga ahayd ee baarlamanka hor taalay.

Xildhibaanad labada dhinac ayay sidoo kale isla garteen inay wadahadal u furaan si dib loogu soo celiyo xaalad caadi ah oo waanwaan lagu geli karo, loogana gudbi karo is mari waaga hareeyay kulamadii Baarlamaanka.

Go’aanadan ay gaareen guddoonka Baarlamaanka ee ah inay dhinac iska dhigaan mooshinka ka yaala Ra’iisal wasaaraha ayaan la ogeyn sida ay u hirgeli doonaan, iyadoo kooxda madaxweynaha taageersan ay eedeyn kulul u jeedisay guddoonka Baarlamaanka oo u muuqda inuu u liicay dhinaca kooxda taageersan Ra’iisal wasaaraha.

Goobjooge.com

Muqdisho

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON