Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwan qaabka loo maareynayo Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo saddex toddobaad ah uu gacanta ku hayo guddoonkaasi.
Saddexda Nin ee guddoonka Baarlamaanka ah ayaan weli isku waafaqin tallaabada xigta ee Mooshinka madaxweynaha oo hadda uu ka daba yimid mooshin kale oo isla guddoonku qabteen una diiwaan geliyeen mooshin ahaan kaasoo ka horjeeda mooshinkii hore.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa hore u ahaa mas’uulka ugu weyn ee sida dadban u taageerayay Mooshinka madaxweynaha, kadib markii uu diiday inuu qabto guddoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar 12-kii Ogost oo Jawaari uu dalka ka maqnaa.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar ayaa isagu go’aankiisu cad yahay oo ka horjeeda mooshinka Madaxewynaha, laakiin guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa markii hore go’aankiisuu qasnaa laakin markii dambe ku biiray Jeylaani Iikar oo isna ka hor yimid mooshinka madaxwyenaha.
Labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka waxay qabaan in mooshinka madaxweynaha din loo celiyo, halka guddoomiyaha Baarlamaanka oo culeys weyn uu ka heysto xildhibaanada mooshinka keenay uu isagu qabo inuu mooshinka hore u socodsiiyo.
Go’aan culus oo xalay ay gaareen madaxweynaha iyo guddoonka Baarlamaanka ayaa culeys kale ku sii kordhiyay Guddoomiye Jawaari oo sameeyay shalay isku daygiisii ugu danbeeyay oo ahaa inuu xiriir la sameeyo Maxkamadda sare.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]