Sunday, July 13, 2025

Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle oo taageeray jadwalka Doorashada, kana hor yimid go’aankii Waare

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ee waqitigiisu dhammaaday Cismaan Barre Maxamed ayaa taageeray Guddiga Farsamada Doorashada Hirshabeelle, isagoo ku adkeeyay inay ku socdaan jadwalka ay dejiyeen.

Isagoo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Jowhar ayuu shaaciyey in Hirshabelle ay doorasho galeyso, waqtigeeduna Dhammaaday, iyadoo aan hal maalin lagu dari doonin, doorashaduna waqtigeeda ku dhaceyso.

“Guddiga Farsamada waxaa la magacaabay Septembar; si dastuuri ah ayaa loo magacaabay, waxaan leeyahay shaqadiina qabsada.. Guddiga shaqadiisa waxay tahay inay odayaasha dhaqanka soo xareeyaan, liisaska xildhibaannada inay qabaan oo ay hubiyaan, ayna qabanqaabiyaan dhaarta xildhibaannada..” ayuu yiri Guddoomie Sheekh Cismaan Barre.

Tallaabada uu aadya Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ka hor imaaneysa Go’aankii Madaxweynaha Hirshabeelle ku joojiyey shaqadii Guddiga Farsamada ee uu ku sheegay inay xubno ka maqan yihiin, loona baahan yahay dib u heshiisiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON