Guri laga heystay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf oo dib loogu wareejiyey Qoyskiisa [Daawo Sawirro]

0

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa dib ugu soo celiyey dhul uu lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmedoo ku yaala Degmada Wadajir ee Gobolka Benaadir.

Dhulkan oo in muddo ah muran ka taagnaa isla markaana marar badan la isku qabsaday oo xaaska marxuum C/llaahi Yuusuf ay mar tallaabo ka qaaday ayaa maanta ugu dambeyn dib loogu wareejiyay qoyska C/llaahi Yuusuf.

Fulinta arrintan oo dhulkaasi dib loogu wareejiyay qoyska C/llaahi Yuusuf waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Maamulka Degmada Wadajir, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameed, qaar ka mida Caruurtii uu dhalay C/llaahi Yuusuf.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in qof waliba oo laga heysto hantidiisa dib loogu celin doono.

Dadki guriga ku doodayey ayaan la ogeyn inay qanceen iyo inay rafcaan ka qaadan doonaan dhulka ay ku heysteen qoyska C/llaahi Yuusuf.

SAWIRRO

Image may contain: 2 people

Image may contain: 3 people, people standing, shoes and outdoor

Image may contain: 2 people, beard and outdoor

Image may contain: tree, plant, sky, shoes, outdoor, nature and water

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, wedding and outdoor