Shirkadda dawooyinka Pfizer ee Mareykanka ayaa shaacisay inay tallaalkii cudurka COVID-19 ee tijaabada ku jiray lag u guuleystay 90%, sida lagu ogaaday tijaabadii lagu sameeyay.
Pfizer iyo shirkadda ay wadaagga yihiin ee Jarmalka ee BioNTech ayaa sheegay in illaa iyo hadda uu tallaalku si fiican u shaqeeyay, oo aysan helin wax dhibaato ah oo la xiriira tallaalkan, waxaana la filayaa inay ansixin doonto dowladda Mareykanka.
Haddii loo ogolaado, labadan shirkadood soo saarista tallaalkan ayaa qiyaasiya inay sanadkan diyaarin karaan 50 milyan oo dhibcood oo tallaalka ah, oo la siin karo 25 milyan oo qof, kadibna ay sanadkan 2021 soo saaraan 1.3 bilyan oo dhibcood.
Khubarada caafimaadka ayaa soo dhoweeyey guusha tallaalkan ee laga ogaaday kumanaan qof oo lagu tijaabiyey, waxayna ku macneeyeen mid hakin karta faafitaanka cudurkan. Si kastaba tallaalka ayaa u baahan inay mas’uuliyiinta ansixiyaan.
“Maanta waa maalin u weyn sayniska iyo bani’aadannimada,” waxaa sidaas yiri Albert Bourla oo ah guddoomiyaha iyo madaxa fulinta shirkadda Pfizer.
Madaxa fulinta shirkadda BioNTech Ugur Sahin ayaa isna Reuters u sheegay in tallaaka marka qofka la siiyo uu shaqeyn karo illaa hal sano, inkasta oo aan taas la hubin.
