Maqaalkaan waxaan cinwaan uga dhigay macna weyn uu ku yimid xadiithka rasuulka ee ah اذا لم تستحي فاصنع ما شئت
Runtii xadiithkaan shariifkaa woxow si cad u sheegaayaa iney jiraan dad quruba oo ma xishoodayaal ah oo dareen shakhsiyadeed iyo mid diineed iyo insaaniya midna aan leheyn oo wexey rabaan iska sheega cidey rabaana iska maaga.
Haddaba waxaa xusid mudan in dadka noocaasa aysan mudneyn in dhaqan xumadooda laga jawaabo waayoo wey ka liitaan in loo jawaabo.
Immu shaafici ayaa noocaas oo kale tix gabaya ku cabiray oo yiri اذا نطق السفيه فلا تجبه فخير من إجابته السكوت
Macnaha gabayga shaafici waa (haduu hadlo mid safiiha ha u jawaabin jawaab la siiyo waxaa ugu wanaagsan in laga aamuso.
Hadaba waxaa sanadahaan danbe soo baxay nin lagu magacaabo daahir calasow oo meherad ka dhigtay inow dadka iska caayo nololna ka gashay cay iyo in lagu hadaaqo wax laga xishoodo.
Haddaba anigoo aan marna ka jawaabeyn waxa fawaaxishata ah ee ninkaan faaxishadaa uu ku hadaaqay amaba warqadihiisa raqiiskaa uu ku hardhay ayaan rabaa inaan halkaan uga tacsiyeeyo dadka sharafta badan ee uu qoraalkiisa xun kusoo qaaday.
Waxa kaliya oo aan jecelahay Daahir Faaxisho inaan weydiiyo arimahaan.-
1– Daahir woxow ku celceliyaa inow yahay nin habargidira oo sacada marka hore maxaa ku kalifay igaarka inow meelkasta ku hardho nasabkiisa ma war ayaa laga geliyay! maxaasa looga waayay reerkaas sharafta badan qof dabeecadiisa amaba magaciisa wata?
2- Ina calasow woxow ugu yeeray reerka sharafta badan ee NUUX MAXAMUUD SALEEMAAN magac aysan iyagu la bixin haddana aysan ogoleyn asagoo og arinkaas maxaa ku kalifay arintaas? cudur daarsa maka bixiyay?
3- Woxow Daahir Faaxisho igu qadfay arinta uu ugu magacdaray asagoo qiyaamada iyo qabriga uga jawaabi doona ii qabo kitaabka haddaba moxow u sheegi waayay magaca gabadha la faraxumeeyay ee uu qabiilkeeda sheegay aawaysa aabeheed iyo tolkeedii lagu xad gudbay gabadhooda oo jidka lagu kufsaday sida faaxisho ku andacooday moxowsa ugusoo beegay arin uu sheegaayo iney dhacday 1991 dii in uu sheego markii asaga la cadeeyay weecinta uu u weeciyay bayaankii culumada ee ka hadlaayay dadkii murtadiinta ahaay inow u weeciyo rag uu lacago baada weydiistay sida caadada u ah ee markuu ka waayay uu aflagaado kula dhaqaaqay diintana uu ka saaray culumada bayaankeedina uu isku dayay inow u weeciyo laakin uu ku fashilmay haddaba hadduu warkaan xasaasigaa haayay Ina calasow moxow u qarinaayay 25 sano mase waxaa caado u ah inow beenta iyo faaxishada uu qaebiyo markuu damcaba?
4- Daahir woxow markasta buun buuniyaa colaadihii dadka walaalahaa dhex maray 25 sano kahor mexey tahay danta ugu jirta yowsa isaga gedaa oo uu kalsooni uga raadinaayaa in dad marhore is cafiyay uu boogohoodii danqiyo?
Mase walaaltinimada iyo is dhexgalka walaalaha ayaa dhibaaya waayaabe?
5- Waxaad sheegtay inaad ku dhalatay deegaanka cadale abootadaana tahay abgaal dadka aad ku abtirsatana ay deganyihiin reerkaas dhexdiisa wax dhibana aan loo geysan xataa dagaaladii sokeeye inta ay socdeen taasu waa iska caadi reerkaasna waa walaalohood amaba ilmohoodii oo iney badbaadiyaan waa iska caadi laakin adiga reer abootadaa oo aad markasta akhyaartooda iyo madaxda ka dhalatay oo weliba waalidkaa dhaleen maxaa ku daba dhigay mase guri xishood ayaadan ka imaan oo waxaa kugu dhabowday shiribkii xikmada badnaay ee ahaay ( ninki barbaarshay baahal nool kabaxsay ama boqna gooy)
5- Waxaad cay la dabajoogtaa dad sharaf badan oo mas’uuliin ah oo aad magco xuxun ula baxday maxaad ka heshaa aflagaadada markaad caruurta eheed ma helin miyaa wax ku tarbiyeeya oo xumaanta kaa reeba?
Ugu danbeyn daahir faaxishow waxaan kuu sheegaayaa inaanan anigu waxba kuu qabin balse aanan xataa jecleyn in wax dhiba ku gaaraan waayoo waxaad tahay miskiin tarbiya la’aanu ku dhacday noloshuna meel xun ka gashay waxaansa kugula talinaayaa inaad dhaqankaaga bedesho faaxishada aad caadeysatayna iskaga dhex baxdo dadka aad caayeysana ogow sidi aniga ineysan ku wada cafineyn oo qaarkood mudankaaga ku marsiin doonaan.
Sidoo kale waxaan kugula talinaayaa inaad cayda iska deyso ee aad si kale isaga qaraabato hadaadan ka aaleyna aad walba aad sheegto wax dadka qaarkiis ugu yaraan rumeyn karaan si aad u ciil dhacsato dabeecadaadii dulmigana aadan uga tegin ileen wax la bartayu waa baaskaaga ayaaba horay loo yiriye.
ALLA weyne waxaan kaaga baryaayaa inow qashinka aad ku jirto fawaaxishata iyo fasaadka inow kaa saaro kaana dhigo qof dadkiisa si dabiiciya ugu dhexnoolaa kara risaqana meel wanaagsan kuu geliyo.
Sheekh Cali Wajiis