Friday, June 27, 2025

Hadal ka soo yeeray Wasiir Ceynte oo qarxiyay Weerar loo adeegsaday Baraha bulshada

Olole balaaran ayaa ka socda  baraha bulshada, kaasoo looga horjeedo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/raxmaan Yuusuf Caynte.


Arrintan ayaa ka dhalatay qoraal ay wasiirka ka qoray shabakadda Kenyaatiga ah ee theeastafrica.com oo si weyn lagu naqdiyey Wareysi uu Wasiirku siiyey Telefishinadda Universal oo al sheegay inuu ku liiday waxbarashada Soomaaliya iyo dadka wax ku bartay gudaha dalka.

Wasiirka ayaa lagu helay inuu waxbarashada dalka ku tilmaamay mid ka liidata dalalka kale, isla markaana dadka wax ku bartay  dalalka dibadda siiba reer Galbeedka ay ka aqoon badan yihiin kuwa wax ku bartay gudaha dalka.

Run ahaanshaha warkaasi iyo xaqiiqadiisa ka sokow, waxaa weerar xoog leh lagu ekeeyay wasiirka Ceynte iyo qurbo joognimadiisa, iyadoo weeraradaasi qaarkood loo soo qaatay dhismaha wasaarada uu wasiirka ka ahaa Ceynte oo burbursan iyadoo la is weydiiyay waxa ay aqoontiisu ku soo kordhisay wasaaradda.

Inta weerarka ku socday wasiir Ceynte ayaa laga waayay wax jawaab ah, laakiin waxay markii danbe jawaabtiisu noqotay inuu u mahad celiyo mid ka mida taageerayaashiisa oo qoramada laga qoray ku tilmaantay mid dano siyaasadeed ah, wuxuuna naf biday warkaas isagoo soo qoray:.

“Mahadsanid, Waan garaneynaa kuwa ka shaqeeya.. Waxaa la marin habaabiyay wax waliba oo aan sheegay iyo wax aan u taaganahay. Laakiin… waa waqti doorasho!.

“Isma barbar dhigi kartid wiilasha ama gabdhaha dhallinyarada ee saboolka ah oo aan nasiib ku filan u helin inay helaan xuquuq la mid ah kuwa Qurbo-joogta soo qalin jebiyey” ayuu yiri Wasiir Caynte oo ah Muwaadin Somali-Maraykan ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON