Haweeneyda muslimka ah ee Halima Yacqub ayaa loo doortay madaxweynaha dalka Qaniga ah ee Signapore.
Halima oo kasoo jeeda dadka laga tirada badan yahay ee Malay-ga ayaa hore u soo noqotay guddoomiyaha Baarlamaanka dalkaasi, taasoo keentay inay si toos ah u noqoto madaxweynaha dalkaasi markii ay noqotay musharaxa kaliya ee sharci ahaan buuxiyay shuruudaaha madaxweynaha.
Halima ayaa noqotay madaxweynihii uhu horeeyay ee Haween ah dalka Singapore, kadib markii lagu dhawaaqay inay madaxweynaha dalka Singapore ayay sheegtay inay madaxweyne u tahay dhammaan dadka Singapore.

Madaxweynihii ugu danbeeyay ee kasoo jeeda qowmiyda tirada yar ee Malay-ga ee madaxweynaha ka noqda dalkan wuxuu ahaa Yusuf Isxaaq oo xilka qabtay markii dalkaasi xoriyadda qaatay sanadkii 1965.
AKHRISO TAARIIKHA HAWEENEYDA MADAXWEYNAHA SINGAPORE
Haweeney Muslim ah oo Madaxweyne ka noqoneysa dal kamida kuwa Qanisan Dunida [Sawirro]