Warshada Burka iyo Baastada magaalada Muqdisho ee ku magac dheer warshada Baastada waxay ka mid ahay Kaabayaashii Dhaqaalaha dalka ee dowladii Kacaanka ku faani jirtay inay dalka ka hirgelisay si ay qeyb uga noqoto wax soo saarka dalka iyo warshadeynta, waxayna dacalka ku heystay jidka dheer ee Warshadaha oo dhowr warshadood isku xiri jiray sida magaciisa ka muuqatay.
Markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye waxay Warshadu ahayd goobihii ugu waaweynaa ee dadku ku qamaameen iyadoo laga helay raashin aad u faro badan oo u badan Qamadigii ay ku shaqeyn jirtay, waxaana markaasi loo geystay burbur xoog leh oo markii danbe ay dadweyne caadi ah guryo ka sameysteen.
Xarunta warshadda oo dhul aad u weyn ku fadhiday qalab baaxad lehna ku rakibnaa waxay kooxihii dalka ku habsaday ka dhigteen meel ay furfurtaan oo xitaa birihii ay ka rarteen, waxaase weli ku dambeeyay calaamado aan go’i karin oo haanta dheer iyo dhismihii shubka ahaa ka mid yahay.
Mar danbe waxay Warshadu xarun u noqoto ciidamo kala duwan oo kuwa dowladda, maxkamadihii, Itoobiyaan iyo Alshabaab isugu jira oo isaga danbeeyay, waxaas oo dhan iyadoo soo martay Warshadii Baastada Muqdisho wuxuu maanta xaalkeedu marayaa in gebi ahaanba la tirtiro oo qeybihii ugu danbeeyay burburin ku socoto kadib markii si aan la shaacin looga iibiyay ganacsato oo dowladda Xasan Sheekh ay hantidaasi qaran ku takri fashay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda laga iibiyay dhulkii Warshada Baastada, qaarkood ayaa sheegaya in laga iibiyay Bankiga Salam, halka warar kale sheegayaan in laga iibiyay shirkad shisheeye, balse waxaa jirta in dhulkii iyo hantidii qaran ee la oran jiray Warashadii Baastada ay hadda kadib noqoneyso taariikh la soo dhaafay.
Kuwa iibiyay ee xilka dowladnimo ku bixiyay iyo kuwa iibnaday ee hanti qaran ku dhiiraday inay gaar u yeeshaan midkoodna kuma fekerin inaysan sidaas arrintu ku dhammaan doonin oo xisaabtan jiri doono, dibna loo soo celin doono wixii hanti qaran ahaa ee la lunsaday.
Goobjooge.com