Monday, June 23, 2025

Haweenay 29 jir ah oo Maxkamad loo soo taagay inay kufsatay nin Taksiile ahaa

Haweenay ku sugan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay in ay kufsatay taksiile ka hor inta aysan lacag ka dhicin iyada iyo nin kale oo weheliyay, sida ay booliisku sheegeen.

Brittany Carter oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay galmo la samaysay darawal 29 jir ah arrintaasina ay dhacday iyadoo uu darawalka mindi cunaha kaga hayo Corey Jackson oo 20 jir ah oo iyada la socday.

Booliiska ayaa sheegay in ay ka dibna ka qaateen darawalkii 32 doolar oo uu watay ka hor inta aysan ka cararin goobta ay arrintaasi ka dhacday oo ku taalla magaalada Findlay.

Ad

Booliiska ayaa sheegay in aysan ogayn sababta ay arrintaas u samaysay.

“Maadaama oo ay dhici rabeen waxaa laga yaabaa in ay ka ahayd in ay dareenkiisa jeediyaan” ayuu yi Robert Ring oo booliiska u hadlay.

Taacadigan ayaa dhacay ka dib markii ay Carter u wacatay taksiga shirkadda Trinity Express Cab Service saacadihii hore ee 28 bishii January, sida ay booliisku sheegeen.

- Advertisement -

Waxaa la soo xiray ka dib markii uu darawalku dhacdadan ku wargaliyay booliiska.

Carter ayaa hadda wajahaysa dacwado ay ka mid yihiin kufsi iyo dhac.

Sanadkii 2016kii ayaa labo jeer lagu eedeeyay in ay daroogo isticmaashay.

Brittany Carter ayaa lagu eedeeyay in kufsatay darawal taksi iyadoo mindi loogu hayo ninka

- Advertisement -

Booliisku waxay sheegeen in wali la la’yahay ninkii la socday ee Jackson ahaa sida ay booliisku sheegeen.

Wuxuu isna ku eedaysan yahay in uu ka qaybqaatay kufsi iyo dhac.

Warar Xul ah
SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON