Sunday, June 22, 2025

Haweenaydii ugu horeysay ee Muslim xijaaban ah oo ka mid noqotay Baarlamaanka Australia

Fatima Payman oo ah gabar Muslimad ah, kana soo jeeda dalka Afganistan ayaa ku guuleysatay xubinimada Baarlamaanka dalka Autralia, iyadoo ka mid noqotay Aqalka Senate-ka, kana soo gashay Xisbiga shaqaalaha ee Galbeedka Australia.

Haweeneyday ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Muslim ah oo xijaaban oo ka tirsan baarlamaanka dalka Australi, waana 26 sano jir qaxootiimo ku tagtay dalka Australia.

Fatima Byman oo ah xildhibankaa saddexaad ee ugu da’da yar taariikhda Australia ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay guushii ay ka gaartay kursiga lixaad ee Senate-ka dalkaasi, maalintii qaxootiga adduunka.

Ad

Hadda waa xildhibaanadda kaliya ee xijaaban ee Baarlamaanka Australia, waxayna caddeysay inay ka walaacsan tahay sidii caadi looga dhigi lahaa aragtida dadka dalkaasi ka qabaan indho-shareerka ee gudaha baarlamaanka iyo bulshada dhexdeeda, ayna doonayso inay bulshada u caddayso inay tahay Australian iyaga oo kale ah, iyo in xijaabkeedana aanu ahayn wax laga gorgortami karo.

“Tani ma ahan oo keliya in lagula dagaalamo Islaam nacaybka warbaahinta, balse waa in lagu dhiirri-geliyo gabdhaha doonaya inay xirtaan xijaabka, waxaan rabaa inay sidaas sameeyaan si sharaf iyo kalsooni ku jirto, oo ay ogaadaan inay xaq u leeyihiin go’aankooda,” ayey tiri Fatima oo saxaafadda la hadashay.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga dareemayey arrintan oo noqotay dhacdo weyn oo dad badan soo jidatay, waxaana ay noqotay eyn oo loogu muujinayeguul u soo hoyatay haweenayda u dhalatay dalka Afgaanistaan ​​ee xijaaban Faadumo Bayman.

- Advertisement -

Safaaradda Afgaanistaan ​​ku leedahay Australia ayaa u dabaaldegtay guusha Payman, iyadoo qortay, “Maalinta Qaxootiga Adduunka, waxaan ku faraxsanahay inaan ogaano in Marwo Fatima Payman – Qaxooti Afgaanistaan ​​ah iyo muwaadin Australian ah – ay u ku guuleysatay aqalka sare ee baarlamaanka Australia.”

Waxaa xusid mudan in Australia loo dabbaaldegay horaantii bishan June, markii labadii wasiir ee ugu horeeyay oo Muslimiin ah – Edham Hosik iyo Anne Ali – xilal wasiirnimo looga magacaabay dawladda cusub ee federaalka Australia ee uu hoggaamiyo Ra’iisal-wasaaraha cusub Anthony Albanese.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON