Haweeney waayeel ah oo la sheegay inay 80 jir ahayd ayaa xalay fiidnimadii lagu dilay gurigeeda hortiisa, kadib markii dabley Bistoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen.
Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Cibaado Maxamed Cagla ayaa ahayd xubin ka tirsan ururka Haweenka Waaxda Kacaan ee degmada Hodon oo u dhow xaafadda Sey Biyaano. Dableyda ayaa la sheegay inay ahaayeen laba nin oo haweeneyda ku toogtay afka hore ee hoygeeda, kadibna ay baxsadeen.
Guddoomiyaha degmada Hodon Axmed Salaad Ibraahim ayaa sheegay in falkaasi yahay mid laga naxo, wuxuuna intaas ku daray inay baaritaan wadaan si loo soo qabto kuwii ka danbeeyay falkaasi.
Goobjooge.com