Sunday, June 22, 2025

Haweeney Afrikaan ah oo mar qura dhashay 9 Caruur ah (Laba ka mid oo Qalab lagu arki waayey)

Haweeney ku nool dalka Mali ayaa dhashay sagaal caruur ah oo laba ka mida aysan dhaqaaltiirtu ku ogeysan inay sido markii ay eegeen ilmo galeenkeeda.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dalka Mali, Halima Cisse, oo 25 jir ah, ayaa la filayay inay dhasho toddobo cunug, sida lagu sheegay aaladda ultrasounds ee laga sameeyay Morocco iyo Mali oo muujisay caruurta ay siday haweeneydan.

Caruuurta dhammaantood waxaa lagu dhaliyey qalliin. Uurka ay siday haweeneydan Halima Cisse wuxuu ahaa arrin si weyn loooga hadal hayey dalka Galbeedka Afrika ku yaalla ee Mali, iyadoo dadka hadal hayey ay ka mid ahaayeen madaxda dalkaasi.

Ad

Markii ay dhakhaatiirtu bishii Maarso sheegeen in Halima Cisse u baahan tahay daryeel gaara, Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee dalka Mali, Bah Ndaw, wuxuu amar ku bixiyay in loo diro dalka Morocco, halkaas oo ay ku dhashay shan gabdhood iyo afar wiil, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Mali.

Wasiirka caafimaadka ee Mali, Fanta Siby, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee France, in hooyada iyo dhallaanka ay xaaladoodu aad u wanaasgan tahay ilaa iyo hadda, iyadoo intaas ku darray inay la socoto Xaaladda Hlima Cisse oo hadda ku sugan dalka Morocco.

Waa arrin aan hore uga dhicin dalka Marocco inay dalkasi ka dhacdo haweeney dhasha 9 caruuur ah. Waxaa cabsi laga qabaa in carruurta qaarkood aysan badbaadin sida caadada noqotay kiisaska noocan oo kale ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON