Tuesday, June 24, 2025

Haweeney dil la yaab leh ka geysatay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

War naxdin leh ayaa laga soo sheegay magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan, kadib markii haweeney xaas ahayd ay ninkeeda ku dishay halkaasi. Dilka ayaa ka dhacay Laanta Buulo xabley oo ka tirsan xaafadda Xaawo Taako  ee magaalada Beledweyne,  waxaana falka dilka ah ay ku geysatay Mindi  dhinaca wadnaha iyo caloosha ka gelisay.

Beledweyne1

Ninka ay xaaskiisa dishay ayaa lagu magacaabi jiray  Cabdi Aadan, waana 27-sano jir ah, iyadoo la soo weriyay in ninkan iyo xaaskiisa  uu muran dhinaca qoyska ah u dhaxeeyay kaasoo fara baxay markii danbe. Haweeneyda dilka geysatay ayaa baxsatay iyadoo aan la ogeyn meel ay qabatay, waxaana daba jooga ciidamada ammaanka.

Dadweyne fara badan oo dilka naxsan ayaa saaka isugu soo baxay magaalada  Beledweyne, iyadoo halkaasi lagu aasay waxaana si weyn falkani looga hadal hayaa magaalada.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON