Tuesday, July 8, 2025

Haweeney ninkeeda ku dishay Muqdisho oo xabsiga la dhigay

Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banadir ayaa maanta waxaa ka dhacay fal  naxdin leh kadib markii Haweeney ka mid aheyd  dadka degmada ku nool ay dishay Seygeedii oo ay u dhashay Labo Caruur ah.

Haweeneyda oo Magaceeda lagu  sheegay  Maryan Maxamed ayaa dilka Ninkeeda u adeegsatay Mindi ay qoorta uga jartay isla markaana ay falka ku wargelisay ehelka ninka oo goobta soo gaaray markii danbe.

Haweeneyda iyo Seygeeda ayaa la sheegay inuu muran u dhaxeeyay muddooyinkan danbe, kaasoo markii danbe isu bedelay gacan-ka-hadal keenay in la dilo aabihii reer oo ku baxay gacanta ooridiisii.

Ciidamada Booliska degmada Yaaqshiid  oo goobta falka ka dhacay gaaray ayaa xabsiga dhigay  Maryan Maxamed, iyadoo qabanqaabada aaska marxuumka ay bilaabatay.

Goobgooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON