Thursday, June 26, 2025

Haweeney Ra’iisal wasaare ahayd oo Maxkamada ku socota darteed uga baxsatay dalkeeda

Thailand ayaa sheegtay in raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Yingluck Shinawatra ay baxsatay, iyadoo ku guul darreysatay inay ka soo muuqato maxkamadda ayna dhegeysato go`aanka laga gaaray eedeymaha bariiska la xiriira ee loo haysto.

Qareennada u doodaya Yingluck, oo lagu eedeeyay dayacaad ayaa sheegay in haweeneydaasi aysan awoodin inay maxkamadda timaaddo oo ay xanuunsaneyd.

Balse maxkamadda sare ayaa amartay in la soo xiro, waxayna la wareegtay damiin lacageed oo gaaraya $900,000 (£703,000) oo raysal wasaarihii hore laga hayay, iyadoo ay maxakamddu ay go`aanka dib u dhigtay ilaa 27 September.

Yingluck ayaa dafirtay inay wax door ah ku lahayd eedeymaha musuqa la xiriira bariiska oo lagu lunsaday lacag gaareysay balaayiin doollarka Thailand ah. Haddii dembi lagu helo, waxaa lagu xukumi doonaa 10 sano oo xabsi ah, siyaasadda ayaana gebi ahaanba laga mamnuuci doonaa.

Waxa ay muteysan doonto haweeneydii ugu horreysay ee Thailand raysal wasaare ka noqota ayaa abuuray dood ballaaran iyo walaac laga muujinayo waxa dhici doona marka go`aanka lagu dhawaaqo.

Yingluck ayaa weli haysata taageero badan

Dowladda milatariga ah ayaa isku dayday in taageerayaasha Yingluck ay ka celiso imaatinka maxkamadda sare ee Bangkok, iyadoo cabsi laga qabo inay caro ka muujiyaan haddii haweeneyda xabsi lagu xukumo.

Yingluck walaalkeed oo ahaa raysal wasaarihii hore ee dalkaasi Thaksin Shinawatra ayaa wuxuu dibbad joog ah, isagoo dalkaasi ka cararay 2008 si uu uga baxsado xabsi lagu xukumay isgaoo loo haystay musuqmaasuq.

Thailand

Yingluck oo dalkaasi raysal wasaare ka noqota sanadkii 2011 ayaa waxaa lagu eedeeyay sanadkii 2015 musuqmaasuq la xiriiray bariiska. Thailand ayaa wadday mashruuc sare loogu qaadayo dakhliga beeralleyda bariiska, si wax looga qabto saboolnimada, waxaa muuqatay in dowladdu ay ku dhowaad labo jeer lacag ka badan tan suuq auu ka joogo bariiska ay siineysay beeralleyda.

Balse waxay arrintan saameyn xooggan ku yeelatay dhoofinta bariiska ee Thailand, tan oo horseedday in dowladdu ay lumiso lacag dhan $8bn iyo keyd badan oo bariis ah oo dowladdu ay awoodi weysay inay iibiso.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON