Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa haweeney kale xil uga magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Taabit ayaa u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Deriseynta Gobolka Banaadir haweeney ka tirsaneyd ciidmada Booliska oo loogu magacaabay Col. Zakia Xuseen oo ka tirsaneyd Booliska Soomaaliyeed.
Agaasimaha cusub Zakiya Xuseen ayaa xilka kala wareegtay agaasimihii hore ee xilkan soo hayay Mahad Xuseen Maxamed, waxaana xil wareejinta uu goob joog ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka dhanka Amniga
Haweeneydan ayaa qurbo joog ka timid UK ah, waxayna ka tirsaneyd ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Guddoomiye Taabit ayaa u muuqda nin maamulka Gobolka ku sii kordhinaya haweenka.