Saturday, May 4, 2024

Haweeney Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha iyo Duqa magaalo ku taalla Mareykanka

Haweeney la rumeysan yahay inay tahay qofkii ugu horeeyay ee Muslim ah ayaa loo doortay duqa magaalo ku talala dalka Mareykanka, kadib markii ay u coddeyeen Golaha Deegaanka ee Koonfurta Portland.

Deeqa Dhalac ayaa qabtay xilka Guddoomiyaha Golaha degaanka iyo Duqa magaalada afraad ee ugu weyn Gobolka Maine oo ah Gobol ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalka Maryekanka.

Deeqa ayaa sanadkii 2018 ka mid noqotay Golaha degaanka, markii ay doorasho kusoo baxday, waxayna sanadkan golaha deegaanka oo ka kooban 7 xubnood ay u doorteen inay noqoto jagada Duqa magaalada Koonfurta Portland.

Ad

Deeqa Dhalac ayaa Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho ka qaxday 31 sano ka hor, iyadoo safar dheer kadib gelinkii dambe ee shalay ay si rasmi ah u qabatya hogaanka sare magaalada afraad ee Maine.

Cabdullaahi Axmed oo ah maamulaha dugsiga sare ee Deering ee magaalada Portland ahna hogaamiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maine ayaa khudbadii furitaanka ka jeediyay xafladda furitaanka golaha deegaanka. Waxa uu ugu hambalyeeyay Deeqa Dhalac.

Deeqa Dhalac marka ay noqotayo duqa magaalada, waxay qaban doontaa howlo dheeraad ah sida socodsiinta shirarka golaha iyo hogaaminta hindisayaasha magaalada oo dhan. Waxay muddo dheer u doodeysay cadaalada bulshada iyo xuquuqul insaanka, waxayn u soo shaqeysay Waaxda Waxbarashada Maine.

- Advertisement -

Da’deedu hadda Deeqa Dhalac wa 53 sano jir, waxa ay soo martay waddamo badan, iyadoo kasoo gudubtay caqabado kala duwan si ay u gaartay heerka ay maanta joogto. Deeqa waa hooyo xaas ah oo leh saddex carruur ah, oo hadda da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 28 sano.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON